Guddoomiyaha Gobolka Banadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa ka hadlay caqabadaha ka hor yimid qorshe ay dooneyaan in loogu hiiyo AFKA HOOYO iyagoo howlgal ku qaaday boorarka ku qoran afafka qalaad ee goobaha ganacsiga, iyadoo arrintaasi uu joojiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya C/raxmaan Maxamuud Odowaa.
Amarka joojinta ee wasiirka ayaa loo mariyay ku xigeenka guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye iyadoo la xaqiijiyay in xiriirka labada mas’uul ee Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Wasiir Odowaa uu aad u liito, kaasoo xumaaday markii labada nin oo kooxda madaxweynaha ka tirsan ay isku qabteen qorsheyaal wasaaradda gudaha waday oo uu ka hor yimid duqa Muqidsho.
Guddoomiye Yuusuf Boorsaani oo shalay ka hadlayay xafladii xuska maalinta Afka hooyo ayaa ereyo sarbeeb ah ku weeraray Wasiirka Arrimaha Gudaha oo lahaa amarka lagu joojiyay ololihii maamulka gobolka Banaadir ku bedelayay boorarka afka qalaad ee Muqdisho.
HOOS KA DHAGEYSO CODKA GUDDOOMIYAHA GOBOLKA BANAADIR
Goobjooge.com