Shirka Ganacsiga iyo Maalgelinta Somalia iyo Turkiga ayaa galabta ka furmay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga oo ay isugu tageen ganacsato, shirkado iyo mas’uuliyiin ka socota dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga.
Shirka waxaa wada guddoominaya Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali (Sharma’arke) iyo Ra’iisal wasaare ku xigeenka dalka Turkiga Lütfi Elvan.
Turkiga ayaa dhinaca kale qaban doona shir kale oo looga hadlayo xoojinta dhalinyarada iyo haweenka si ay uga qeyb qaataan dhaqaalaha, waxaana shirkaasi ka hadli doona ganacsato da’ yar oo fekrado ganacsi ka jeedin doona iyagoo laga casuumay goboladda Soomaalida oo dhan.
DAAWO SAWIRRO