Tuesday, June 24, 2025

WARBIXIN: Shirka caalamiga ah ee arrimaha Somaliya oo maanta ka furmaya Istanbul

Waxaas maalta  ka furmaya magaalada Istanbul ee dalka Turkiga Shirka Hiigsiga  cusub ee looga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo loogu magac daray Madasha Sare ee saaxiibada Soomaaliya (High-Level Partnership Forum).

Waa shirkii saddexaad ee noociisa ah oo ay qabanqaabisey Qaramada Midoobey iyo Dowladda Federaalka. waxaana  shir guddoominaya Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa kaloo ka qeyb galaya  kuxigeenka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Jan Eliasson.

Warsaxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha dibadda Turkiga ayaa lagu sheegay inay shirka ka qaybgalayaan dalal ka badan 50 dal, 12 urur oo caalami ah, Dowaldda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo madaxda Dowlad Goboleedyada.

  1. Arrimaha shirkan heerka sare ah looga hadlayo waxaa ka mida:
  2. Amniga iyo nabadgelyada Soomaaliya
  3. Dib u dhiska hay’adaha dowladda
  4. Dib u heshiisiinta
  5. Doorashooyinka xilliga kala guurka iyo
  6. Horumarinta dhaqaalaha

Shirkan ayaa lagu wadaa inuu Turkiga uga dhawaaqo taageero caalami ah oo uu siinayo Soomaaliya, iyadoo heshiisyo fara badan ay kala saxiixan doonaan Turkiga iyo Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya, Ra’iisal wasaaraha, Wasiiro ka badan toban, madaxda maamul goboleedyada iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa shirka ka qeyb galaya, waxayna dowladda Turkiga shaacisay in la dhameystiray qabanqaabadii shirka.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON