Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa xil ka qaadis ku sameeyay agaasimihii labaad muddo toddobaad gudihiis ah, waxaana maanta xilka lagala wareegay agaasimaha guud ee wasaaradad Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Sheekh Maxamed Aaden Kheyrow iyadoo xilkaasi loo magacaabay agaasime cusub oo lagu magacaabo Cumar Faaruuq Sheekh Cabdicasiis.
Munaasabad xil wareejin ah ayaa maanta ka dhacday magaalada Muqdisho waxaana ka qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arimaha Diinta Cabdulqaadir Sheekh Cali (Baqdaadi), Wasiir ku xigeenka Macallin Cali, Agaasimo waaxeedyada Wasaaradda, iyo Shaqaalaha Wasaaradda.
Horaantii toddobadkan ayay ahayd markii Ra’iisal wasaaraha uu xilka ka qaaday agaasimihii guud ee Wasaaradda Caafimaadka C/qani Sheekh Cumar, waxaana socda qorshe xilliga kala guurka la filayo in xilalka looga qaado agaasimeyaal ku dhow toban oo lagu bedelo doono rag cusub oo madaxda sare ee dowlada ay wataan.
AKHRI WARQADA XIL KA QAADISTA AGAASIMAHA EE RA’IISAL WASAARAHA