Tuesday, June 24, 2025

Dowladda Imaaraadka Carabta oo xaryiraadda ka qaadeysa xoolaha laga dhoofiyo Soomaaliya

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa balanqaaday inay xayiraadda ka qaadeyso xoolihii Soomaalida ee loo dhoofin jiray dalkasi oo xayirnaa tan iyo aakhirkii sanadkii hore, kadib shir  ka dhacay magaalada Dubai oo looga wadahadlay sidii  dib loogu furi lahaa dhoofka xoolaha  Soomaalida.

Shirka ayaa waxaa dhinaca dowladda Soomaaliya uga qeyb galay Wasiirka xanaanada xoolahaSiciid Xuseen Ciid iyo safiirka Soomaliya u fadhiya dalka isu-tagga Imaaraadka Carabta Cabdiqaadir Shiikh, waxaa sidoo kale shirka kaqeyb galay maareeyaha maxjarada Puntland Maxamed Faarax C/samad Yuusuf Maxamed oo ka socday  ganacsatada xoolaha dhoofisa. Halka dhinaca Imaaraadka Carabta shirkaasi uga qeyb galeen Wasiirka xanaanada xoolaha, Degaanka iyo Kaluumeysiga Dr. Thani bin Ahmed alzeyoudi.

Waxaa shirkaasi kadib la isku afgartay in dowlada Imaaraadka Carabta ay si dhaqso ah  uga qaadeyso  xayiraada ay kusoo rogtay  xoolihii laha dhoofin jiray dalka Soomaaliya  ee dalkaasi qaadan jiray.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON