Wednesday, June 25, 2025

Macalin Somali-Kenya ah oo qarka u saaran inuu ku guuleyso abaalmarin dhan 1 Milyan oo doolar

Macalin reer Kenya ah, kana soo jeeda Gobolka Waqooyi Bari ee Soomaalida ayaa ku baxay liiska ugu danbeeya abaal marin lagu bixiyo Hal milyan oo doolar oo lagu soo xulo macalinka ugu fiican dunida.

Macalinkan oo lagu magacaabo Ayub Maxamuud, wuxuu dhigaa maadooyinka Ganacsiga iyo islaamiga isagoo ka howlgala degaanka Islii ee Soomaalida Kenya ku badan yihiin, wuxuuna ardayga dugsiyo la tuhunsan yahay in Alshabaab ay ka qorato dad u dagaalama siiyaa casharo ku saabsan nabadda iyo diidmada xagjirnimda.

Macalin Ayuub ayaa u sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in hay’adda Varkey Foundation ay ku soo darto liiska dadka ugu danbeeya ee la filayo inuu abaalmarinta macalinka  ugu fiican ka helo qof ka mida.

Ayuub Maxamuud ayaa heysta raho ah 10% inuu noqdo macalinka ugu fiican oo markaasina ku guuleyso lacag dhan 1,000, 000 (Hal milyan oo doolar).

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON