Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa guul ku tilmaamay shirkii lagu soo gabagabeeyay magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga, isagoo sheegay in waxyaabo badan la isla qaatay, lana fulin doono marka ay dalka ku laabtaan.
Cumar C/rashiid wuxuu caddeeyay in Soomaaliya ka guureyso 2016, toban cutub oo shirka ka mida wax laga bedelay, 5 kamid ahna ay quseeyaan siyaasadda bisha April ee sanadkan looga hadli doono shir ka dhacaya Muqdisho.
Mar uu ka hadlay maqnaanshaha madaxweynaha Puntland wuxuu sheegay inay tegi doonaan Puntland oo wax loo mideysan yahay lagu dhaqaaqi doono.
Wasiirka Qorsheynta C/raxmaan Ceynte ayaa isna ka hadlay in shirka lagu taageeray go’aanka qaabka doorashada 2016 ee dowladda federaalka ay qaadatay.
DHAGEYSO CODADKA RA’IISAL WASAARAHA IYO WASIIRKA
Goobjooge.com