Shan xubnood oo ka tirsan Koongareeska Mareykanka ayaa qoraal hambalyo ah u diray Madaxweynaha Soomaaliya, iyagoo ugu hambalyeeyay Sharciga Baarlamaanka Soomaaliya ansixiyay ee ka hortagga maalgelinta Argagixisada oo ahaa sharci aan Soomaaliya ka jirin oo la’aantiis dhibaato weyn ku qabeen Soomaalida dibadda ku nool iyo xawaaladaha inay lacag u diraan Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhowaan saxiixay y Sharciga ka Hortagga Lacag is-daba marinta iyo Maalgalinta Aragagixisada. Sharciga ayay mudanayaahsa Koongareeska sheegeen inay tahay tallaabo muhiim ah u xallinta caqabadaha ka jira dirista lacagaha xawilaadaha, waxayna sheegeen inay tani malaayiin qof oo ah Soomaalida qurbaha ku nool u sahli doonto inay lacag u diraan eheladooda ku sugan gudaha dalka.
Mudanayaashan qoraalkan saxiixay waxay kala ah yihiin:
- Keith Ellison
- Tom Emmer
- Juan Vargas
- Adam Smith
- Joyce Beatty,
Waxaana laga soo kala doorto Gobollada Minnesota, California, Washington, iyo Ohio.
HOOS KA AKHRI QORAALKA
Goobjooge.com