Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa la kulmay Duqa magaalada Istanbul Dr. Kadir Topbas, iyagoo kala saxiixday heshiis iskaashi oo qeybo badan isugu jira.
Heshiiska ayaa qeexaya in la mataaneeyo labada magaalo iyadoo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ay ku wehliyeen xubno ka tirsan Maamulkiisa oo ka qeyb galay shirkii arrimaha Soomaaliya ee labada maalmood socday ee Istanbul.
Labada Guddoomiye Gobol ku heshiiyay in la mataaneeyo Istanbul iyo Muqdisho, isla markaana Istanbul ka qeyb qaadato howlo mashaariicdda ah oo laga fulinayo Caasimada Muqdisho, sida dhisida Jidadka Halbowlaha u ah Muqdisho.
Duqa magaalada Istanbul Dr Kadir Topbas ayaa sheegay in 15-ka Mach ay koox khubaro ah oo qiimeyn ku sameynaya baahida ay qabto dowladda hoose ee Muqdisho ay soo diri doonaan Magaaladda Muqdisho.
Heshiiskan ayaa lagu balamay si degdeg ah in loo dhaqan geliyo, isla markaana labada magaalo ay ka wada shaqeeyaan horumarinta iyo bilic soo celinta, wuxuuna duqa Magaaladda Istanbuul balanqaaday inuu si dhaqso ah ay u soo diri doonaan Basaska iyo Dab-damis loogu deeqay Gobolka Banaadir.
Goobjooge.com