Monday, August 4, 2025

Mareykanka oo taageeraya Gole Degaan oo ay yeelato caasimadda Muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga kulan kula yeeshay Safiirka dowladda Mareykanka u qaabilsan dalkeena Soomaaliya oo ay ka wadahadleen arrimo labada dhinac taabanaya.

Arrimaha kulanka looga hadlay waxaa ka mid ahaa, ammaanka caasimadda, maareynta dhaqaalaha caasimadda, doorashooyinka golaha deegaanka Muqdisho, Arrimaha maqaamka caasimadda iyo qodabada dastuurka dalka ee ka hadlaya Gobolka Banaadir oo wax laga bedelay.

Duqa Muqdisho ayaa ka codsaday safiirka dowladda Mareykanka in ay ka taageeraan sidii maamulkiisa uu doorashooyinka golaha deegaanka kaga suura galin lahaa magaalada Muqdisho, arrintaas oo uu safiirku balan qaaday in ay gacan ka geysan doonaan.

Dhinaca kale Guddomiyaha Gobolka Banadir mudane Madaale ayaa u sheegay safiirka in dadka reer Muqdisho ay dibad-baxyo nabadeed ku muujiyeen sida ay u doonayaan in la qeexo doorka Gobolka banaadir ee awood qaybsiga maamulka dalka.

Safiirka waxa uu sheegay inay imaan doonaan magaalada Muqdisho si ay qiimeyn ugu sameeyaan baahida maamulka iyo Bulshada Gobolka Banaadir, isagoo caddeeyay inay doonayaan in magaalada Muqdisho ay noqoto magaalo matasha siyaasadda Soomaaliya oo dhan marti galisana diblomaasiyiinta caalamka ee ka howlgalaya Somalia.

Kulanka ayaa dhinaca kale waxaa qayb ka ahaa mas’uuliyiin ka socotay hay’adda USAID kuwaas oo tilmaamay dhankooda in ay ka qayb qaadan doonaan dhismaha iyo bilic soo celinta magaalada Muqdisho.

SAWIRRO

DSC_0841[1]DSC_0849[1]     DSC_0843[1]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON