Thursday, August 7, 2025

DHAGEYSO: Taliyaha NISA Tuuryare: “Wixii hadda ka dambeeya Gobalka Banaadir isagaa mas’uul ka noqonaya amnigiisa..”

Shir jaraa’id oo Muqdisho ka dhacay xalay kadib kulamo xiriir ah oo ay yeesheen Guddiga amaanka dalka ayuu ku dhawaaqay Taliyaha Ciidamada Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed Gen. C/raxmaan Maxamed Tuuryare  in amniga gobolka Banaadir ay masuul ka yihiin Maamulka iyo degmooyinka  Gobolka Banaadir, ayna ku wareejiyaan wixii hadda ka danbeeyana ay iyagu aadi doonaan dagaalka lagula jiro Alshabaab.

Khudbad dheer oo uu halkaasi ka jeediyay General Tuuryare ayuu ku sheegay in amniga gobolka lagula xisaabtamayo maamulkiisa oo iyaga aan waxba la weydiin doonin, si ay meesha uga baxdo in markii wax dhacaan ka isku eedeeyo.

Arrintan oo ahayd mid muddo dheer la sugayay, horena looga ballan qaaday guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Xasan Muungaab ayaa waxaa ka muuqata inay ku soo beegantay xilli xasaasi ah oo Taliyeyaasha ciidamada iyo wasaaradaha ammaanka ka mas’uulka ah miiska saaran yihiin loona heysto inay jawaab ka bixiyaan dhacdooyinka amaan xumo ee Muqdisho ku habsaday maalmihii danbe.

Taliyaha NISA Tuuryare ma sheegin in ciidamada ammaanka ee NISA ugu horeyso lagu wareejinayo maamulada degmooyinka Gobolka Banaadir.

HOOS KA DHAGEYSO CODKA TALIYAHA

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON