Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya oo uu hogaamiyo Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa xilkii ka qaaday Guddoomiyaha Degmada Afgooye iyo guddoomiye ku xigeenkii degmadaasi dhinaca ammaanka.
Xilka ka qaadistan ayaan wax faahfaahin ah laga bixin, iyadoo xilka ka qaadista guddoomiyihii Afgooye C/qani Yuusuf loo aaneynayo khilaaf ka taagnaa maamulka degmada, waxaana sidoo kale xilka waayay guddoomiye ku xigeenka Amniga ee degmada Afgooye.
Degmada Afgooye oo maamulkeeda hoostago maamulak Koonfur Galbeed ayaa ka mida degmooyinka dhaqaalaha badan kasoo galo maamulka Koonfur Galbeed iyadoo dhowr jeer maamulkiisa la bedelay.
Goobjooge.com