Saturday, June 28, 2025

Shukri Xuseen: “Casho ayaan u fadhinay oo hooyo ayaan sugeynay balse meydkeeda ayaa naloo keenay” AKHRI OO CAAWI

Qaraxyadii dhowaan ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan  Hotel SYL iyo Beerta Nabadda, waxaana dadka ku dhintay waxaa ku jiray Hooyo Isniino Maxamed Maxamuud oo ka mid ahayd haweenka howlaha nadaafada Gobolka Banaadir ee xilliga habeenkii ka sameeya waddooyinka Muqdisho.

Allaha u naxariisto hooyo Isniino ayaa ka tagtay toddobo carruur ah iyo aabbahood oo ay u xamaali jirtay. Haddaba gabadha ugu weyn reerka Shukri Xuseen Bashiir ayaa ka warrantay sidda dareenkooda uu ahaa ka hor inta aan loo soo sheegin warka naxdinta ah geerida hooyadeed.

Waxay tiri “Annagoo fadhiya goobtii cashada oo sugeyna hooyo Isniino ayaan maqalnay qaraxyo waaweyn kaddibna waxaa dhowr daqiiqo kaddib naloo sheegay in dadka ku dhintay ay ka mid ahayd Hooyadeey, meydkeed ayaana naloo keenay, aad baan u naxay” ayey tiri Shukri Bashiir.

Waxay sheegtay in hooyo Isniino oo ahayd qofka reerkooda ku tiirsanaa una xamaali jirtay, laakiin hadda markii ay meesha ka baxday xanuunkii geerida iyo cidlada u wehliyo dhibaato kale oo ah dhinaca biilka reerka.

Waxay sheegtay Shukri in aabbaheed uu joogo balse uusan shaqeyn oo marxuumada dhimatay ay u shaqeyn jirtay.

reerxuseenbashiir
Carruurta ay ka dhimmatay Hooyo Isniino Maxamed Maxamuud
Shukri Xuseen Bashiir waa gabadha ugu weyn qoyska ay ka baxday marxuumad Isniino iyada ayaana hadda booskii hooyo nimo buuxisay, waxaana ay wacad ku martay in aysan guursan doonin ilaa inta ay ka korayaan oo wax ka baranayaan carruurta ka yar ee la dhashay.

Haddaba aan dhammaanteen u istaago sidii aan caawin lahayn caruurtii ay ka baxday Marxuumad hooyo Isniino oo ka shaqeyneysay nadaafadda waddooyinka Muqdisho, waxay u xamaali jirtay carruurtan aad sare ku arkeysaan.

Ciddii dooneysa in caawinto waxay kala xiriiri karaan aabaha carruurta dhalay oo la yiraahdo Xuseen Bashiir oo laga helo Talefoonka: 0025261-5615686.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON