Tuesday, June 24, 2025

8-da Maarso oo si weyn looga xusay Muqdisho [Daawo sawirrada madaxda ka qeyb galay]

Munaasabad lagu xusayo maalinta Haweenka Caalamka ee 8-Da Maarso ayaa  lagu qabtay Magaalada  Muqdisho, iyadoo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka dowladda Soomaaliya, Baarlamaanka Ururrada Bulshada Rayidka ah iyo wakiilada Beesha Caalamka iyo xafiiska UN-ka ee Muqdisho.

Waxaa munaasabadda soo qabanqaabiyay xafiiska Q/Midoobay ee Soomaaliya ka dhacday Xerada Xalane ee Garoonka diyaaradaha Muqdisho waxaa ka qeyb galay Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Mahad Cabdalla,  Wasiirka Haweenka Soomaaliya Sahro  MaxamEd Cali Samatar, Marwada Madaxweynaha Sahra Cumar, Ergeyga Midowga Afrika ee Soomaaliya, Wakiilada UN-ka, Ururada Bulshada Rayidka ah iyo Wakiillada Beesha Caalamka.

Wasiirada haweenka Sahro Cali Samatar oo ka hadashay goobta ayaa sheegtay in markii ugu horreysay ee la aasaasay Maalinta Haweenka Caalamka ay ahayd 1977-kii,islamarkaan ah Maalin loogu talagalay haweenka Aadduunka, waxaana sidoo kle ereyo ka jeediyay marwada madaxweynaha.

Wakiilka Midowga Afrika ee howlgalka AMISOM Mr. Madeira ayaa sheegay in AMISOM ay dowladda Soomaaliya iyo Haweenka Soomaaliyeedba ka caawinayaan horumarinta Haweenka Soomaaliyeed oo uu sheegay in ay tahay waddada lagu gaari karo Nabadda Soomaaliya.

War uu si gaara u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayuu hambalyo u diray haweenka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in dowladda ay xaqiijin doonto in haweenka Soomaaliyeed ay qoondo 30% ka helaan Baarlamaanka.

DAAWO SAWIRRO

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON