Israa’iil ayaa waaberigii hore ee Jimcihii weerar culus ku qaaday dalka Iran, gaar ahaan goobaha nukliyeerka iyo saldhigyada milatari dalkaasi”
Weerarkan oo lama filaan ahaa, balse muddooyinkan la saadaalinayay ayaa ilaa hadda socda, waxayna Madaxda Yuhuudda ee Ra’iisal wasaare Benjamin Netanyahu iyo Wasiirkiisa difaaci Isray-iil Katz sheegeen inuu toddobaadyo socon doono.
Weerarka waxaa loo adeegsaday tobanaan ka mida Diyaaradaha dagaalka oo sii maray hawada Dalalka Jordan iyo Iraq. Mareykanka ayaa iska fogeeyay inuu ku lug leeyahay weerarkan.
16 goobood oo la duqeeyay guud ahaan dalka Iran, waxaa ka mida la duqeeyay waxaa ka mida xarunta Natanz ee ugu weyn ee goobaha ay Iran ku xoojiso awoodeeda Niyukliyeerka oo la xaqiijiyay in dhowr jeer ay duqeeyeen Diyaaradaha dagaalka Yuhuudda, waxaa kaloo la duqeeyay xarunta ilaalada Kacaanka Iran, saldhigyada ciidamada cirka iyo xarumaha milateriga.
Sidoo kale ilaa hadda waxaa la xaqiijiyay in weerarka Isra-iil lagu dilay Taliyihii sare ciidamada Iran Mohammad Bagheri, waxaa kaloo la khaarijiyay Taliyihii ilaalada Kacaanka dalkaasi Xuseyn Salami oo ay wehliyeen tiro ka mida Saraakiisha iyo ilaaladiisa.
Dhinaca kale waxaa dhaawac soo gaaray u dhintay Cali Shamkhani oo ahaa la-taliyaha Hoggaamiyaha sare ee Iran iyo madixii hore ee Hay’adaha Amniga Qaran ee Iran, waxaana kaloo weerarka lagu dilay ilaa 5 ka mida khubarada Iran ee Hubka Niyukliyeerka oo uu ka mid yahay Axmed Rida.
Saraakiisha sare iyo khubarada Iiran waxaa intooda badan dilkooda uu ahaa khaarijin guryahooda lagu weerarray, iyadoo ay howlgalkaasi fuliyeen sirdoonka Yuhuudda.
Israel ayaa shaacisay inay weerarka socda ka qeyb qaateen ilaa 200 diyaaradood, isla markaana la duqeeyay ilaa 100 bar tilmaameed, sidoo kalena ay burbur xoog leh gaarsiiyeen xarunta ugu weyn ee kodhinta Yuraaniyamta ee Natanz.
