Thursday, June 26, 2025

DAAWO LA-YAABKA: Diyaaradda gaarka ah ee Madaxweynaha Ruushka (Kremelinka duula)

Qodobka xulashada Jimcaha ee Goobjooge.com waxaan maanta idinku heynaa diyaarad cusub  oo loo sameeyay Madaxweynaha dalka Ruushka Valadamir Butin oo ah diyaarad si gaar ah loo naqshadeeyay oo si weyn u soo jiidatay caalamka, marka laga eego waxyaabaha gudaheeda lagu diyaariyay iyo quruxdeeda.

Waxaa loogu magac daray Kremelin-ka duula oo lambarka ay sidataa uu yahayR96016, diyaaradda qaarka ah ee madaxweyne Putin waxay ka mid tahay in ka badan 50 diyaaradood oo Aqalka Kremelinku leeyahay si gaar ahna loogu sameeyay.

Diyaaradda ugu muhiimsan waa tan aanu maanta ka hadleyno, waxayna leedahay:

  1. Xafiiska Madaxweynaha,
  2. Qolka martida lala yaabo
  3. Qolka shirarka
  4. Xarun isboorti iyo Gym
  5. Baar iyo goob lagu qaxweeyo
  6. Musqul
  7. Iyo qol caafimaad oo isbitaal oo kale ah

Qolka laga dhigay xafiiska madaxweynaha ee diyaaradda waxaa laga helayaa wax waliba oo looga baahnaa xafiis madaxweyne, sida isgaarsiin meel waliba oo caalamka ah lagula xiriiri karo. Dhererka diyaaradda wuxuu gaarayaa 55.35 Mitir, joogeeda wuxuu gaarayaa 17.57 Mitir.

Diyaaradda gaarka ah ee madaxweynaha Ruushka ama Kremelin-ka duula, iyadoo

Diyaaradda-Butin
Kremelin-ka duula: Diyaaradda Madaxweynaha Ruushka
Diyaaradda-Butin1
Qolka shirarka ee diyaaradda madaxweynaha, waxaa xusid mudan in qalab kasta oo diyaaradda dhexdeeda yaala qeybo ka mida ay yihiin Dahab
Diyaaradda-Butin2
Qeybta jimicsiga iyo Isboortiga ee Diyaaradda madaxweyne Putin
Diyaaradda-Butin3
Qolka jiifka Diyaaradda madaxweyne Putin oo ay ka muuqato sariir Boqoreed laba nafar ah
Diyaaradda-Butin4
Xitaa Musqusha Diyaaradda Madaxweyne Putin waxaa lagu xardhay Dahab
Diyaaradda-Butin5
Diyaaraddu waxay leedahay fadhiyo kala nooc ah
Diyaaradda-Butin6
Mid kamida shan qeybood oo diyaaradda laga fariisin karo

DAAWO DIYAARADDA MADAXWEYNE PUTIN OO DEGEYSA

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON