Wednesday, June 25, 2025

Aabe Soomaaliyeed oo dalka K/Afrika ku Gowracay xaaskiisa iyo Saddex caruur

Nin Soomaali ah ayaa la sheegay in xaaskiisa iyo saddex caruur ah oo uu dhalay ku gowracay  xaafadda  Tsakane ee ku taalla duleedka Magalada Johannesburg, dalka Koonfur Afrika. Waxaa arrintan la ogaaday markii dadka degaankaasi ay dareemeen ur aan caadi ahayn Arbacadii, kadibna ay guriga oo aan xirneyn ay galeen.

Dhacdadan oo ah mid aan hore loo arag ayaa laga soo xigtay nin deriska ka mida oo lagu magacaabo Douglas Mandunda oo u sheegay wargeys ka soo baxa dalka K/Afrika u sheegay in markii galeen guriga qoyska Soomaalida daganayeen ay arkeen dhiig iyo meydadka hooyada iyo saddex carruur ah oo dhuunta laga gooyay.

Wargeyska Daily Sun oo dhacdadan murugada leh qoray ayaa soo weriyay  in Aabe Soomaaliyeed uu dilkaasi u geystay qoyskiisa, waxaana xaaska la dilay  da’deeda aheyd 32 sano jira, caruurtana waxay da’doodu u dhaxeysaa 9 bilood ilaa 12 sano jir , waxaana falkan uu dhacay Isniinti dhoweyd.

Aabaha ayaa baxsaday, waxaana weli raadinaya Booliska dalkaasi, Koonfur Afrika oo aan weli ka hadlin xaaladan, Soomaalida Koonfur Afrika ayaa falkan aad uga naxaydhacdadan, waxaana si weyn loo hadal hayaa ninka falkan geystay inuu yahay Oromo, laakiin uu dalka Koonfur Afrika uu ku joogay inuu yahay Soomaali Qaxooti ah.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON