Thursday, June 26, 2025

Dadweyne careysan si geesinimo leh u hor istaagay Kolonyo AMISOM ah oo nin ku jiiray Muqdisho [SAWIRRO]

Dadweyne shacab ah oo ka careysan ciidamo ka tirsan AMISOM oo mid ka mida gaari ay wateen uu jiiray ayaa hor istaagay baabuurtii ciidamada AMISOM.

Arrintan oo maanta ka dhacday Isgoyska caanka ahee KM4, waxay dadkaasi ka caroodeen Gaariga AMISOM oo markii uu jiiray nin waayeel ah isaga dhaqaaqay, waxaana gaariga AMISOM oo ahaa mid qafilan isku hor gudbay dadweyne shacab ah oo geesinimo dheeraad ah muujiyay.

Ninka waayeelka ah ee ay jiireen AMISOM ayaa dhaawac culus soo gaaray waxaana la sheegay in mid ka mida labadiisa lugood ay burburtay.

Dadweyne fara badan ayaa soo buuxiyay isgoyska KM4 ee shilku ka dhacay, waxayna u diideen gaariga AMISOM inuu dhaqaaqo iyagoo hortiisa dhoobtay.

Waxaa kaloo la yaab lahayd in ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka oo goobta soo gaaray ay la safteen dadkii shacabka ahaa, waxaana Kolonyadii AMISOM lagu qasbay inay qaadeen  ninkii ay dhawaceen, taasoo keenta in ciidamadii AMISOM ay ku qasbanaadeen inay qaadaan.

amisom2

amisom

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON