Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay howlgal qorsheysan oo ciidamo ka tirsan kuwa gaarka ah ee xoogga dalka ka sameeyeen deegaanka Ceel Timir ee duleedka Galcad ee degmada Ceel Buur, gobolka Galgaduud.
Howlgalka oo dhacay xalay saqdii dhexe ayay iska kaashadeen ciidamada xoogga iyo AMISOM, waxaana lagu dilay 15 ka tirsan Al-Shabab, sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada dowladda.
Guddoomiyaha deegaanka Galcad Qadar Maxamed Cali ayaa sheegay in ciidamada ay dileen 15 Alshabaab ah oo labo ka mid ah ay ahaayeen horjoogayaal, lagu magacaabi jiray:
Axmed Ciid oo dhanka maaliyadda u qaabilsanaa Shabaabka iyo
Maxamed Cabdulaahi Gaafow oo ahaa Madaxa amniyaadka
Waxay kaloo wararku sheegayaan in horjooge saddaxaad oo Alshabaab u qaabilsanaa miinooyinka isna lagu dilay weerarkaasi.
Goobjooge.com