Wararka laga helayo degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in qarax weyn oo ah miinada dhulka lagu aaso in lala beegsaday madax ka tirsan maamulka degmada Buurdhuubo.
Guddoomiyihii Degmada, Guddoomiye Kuxigeenkii iyo Madaxii Maaliyadda iyo askar u aheyd ilaalo mas’uuliyiinta ayaa ku dhaawacmay qaraxaasi.
Saraakiisha ciidamada degmada Buurdhuubo ayaa xaqiijiyay in madaxdii maamulka ay ku dhaawacmeen qaraxaasi, waxaana ay sidoo kale sheegeen inay jirto dhimasho iyo dhaawac.
Mas’uuliyiinta la qarxiyay ayaa shir u fadhiyay xilliga qaraxa lala beegsaday.
Goobjooge.com