Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee xukuumadda Soomaaliya ayaa soo saartay ogeysiis ku saabsan Imtixaaanka Shahaaddiga Sanad Dugsiyeedka 2015 -2016, kaasoo la qaadi doono maalinta Sabtida ah ee 28 /05/2016.
Imtixaannadu waxay ka dhici doonaan 47 goobood oo ka tirsan Gobolka Banaadir, waxayna Ardayda galeysa imtixaanka faahfaahinta goobaha imtixaanku ka dhacayso ka heli karaan shaxda hoos ku qoran.
[pdf-embedder url=”http://goobjooge.com/wp-content/uploads/2016/05/Liiska-Xarumaha-Imtixaanka-Gobolka-Banaadir.pdf”]
Dalladaha iyo Dugsiyada aan weli qaadan ID-yada ama aqoonsiga iyo Roll Numberka ay ku galayaan imtixaanka, waxay ka doonan karaan Dugsiga Yaasiin Cusmaan ee ku yaalla degmada Boondheere, ka soo horjeedka Daljirka Dahsoon iyo Dugsiga 20-ka December ee ku yaalla xaafadda Afisyone gaar ahaa Jidcaddaha Airport-ka taga.
GOOBJOOGE.COM