Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa qabanqaabo loogu jiraa inuu yimaado ku yimaado magaalada Muqdisho booqasho kale oo taariikh ah.
Wararka ayaa sheegaya in socdaalka Madaxweyne Ordogon ee Muqdisho ku beegan yahay Jimcaha 3-da bisha June, waxaana durba magaalada Muqdisho imaanaya wafdi hordhac ah oo qabanqaabinaya socdaalka madaxweynaha Turkiga.
Madaxweynaha Turkiga ayaa la sheegay inuu furi doono mashruuc weyn oo guryo qiime jabay looga dhisay magaalada Muqdisho, isla markaana uu xariga ka jari doono safaaradda ugu weyn ee uu caalamka ku leeyahay Turkiga oo Muqdisho laga dhisay.
Waa markii saddexaad ee Madaxweyne Erdogan ku yimaado dalka Soomaaliya, wuxuuna hore u yimid magaalada Muqdisho muddo laba jeer ah.
Turkiga ayaa ah dalka ugu horeeya ee taageero bani’ aadamnimo iyo horumarin u fidiyay Soomaaliya, siiba magaalada Muqdisho oo meel waliba ay ka muuqdaan.
Goobjooge.com