Thursday, June 26, 2025

Hillary Clinton oo magacawday Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka u noqonaya

Musharaxa xisbiga Dimoquraadiga Hillary Clinton ayaa magacowday musharaxa madaxweyne ku xigeenka Mareykanka ee xilkaasi ay u wada loolami doonaan.

Tim Kaine oo ah Duqii Gobolka Virginia ayay u xulatay inuu noqdo ku xigeenkeeda.

Hore ayaa loo saadaalinayay in Tim Kaine uu noqon doono qofka Clinton ay xilkaasi u magacaabi doonto.

Hillary Clinton ayaa arrintan ku shaacisay barteeda Twitter-ka Jimcihii, waxaan la filayaa inay maanta si rasmi  ab y shaaciso. Tim Kaine ku tilmaantay nin nolashiisa u huray in uu u dagaalamo xuquuqda dadka kale iyo taageerada uu siiyo ganacsiga xorta ah.

Tim Kaine ayaa loo arko ninka soo jiidan karo codka dadka aan wali xisbina taageerin iyo taageerayaasha qunyar socodka ah ee xisbiga Jamhuuriga.

Clinton iyo Kaine ayaa maalinta isniinta ah ee soo socoto rasmiyan loo soo xulan doonaa in ay noqdaan musharixiinta xisbiga ee tartanka la galaya Trump iyo ku xigeenkiisa.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON