Thursday, June 26, 2025

3000 Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku fool leh saldhigga Al-shabaab ee Baardheere

Wararka laga helayo Gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamo ka badan 3000 askari oo Itoobiyaan ah ay gudaha u galeen gobolkaasi iyagoo jihooyin kala duwan ku socda, kuna wajahan degmada Baardheere oo ah xarunta ugu weyn ee Alshabaab ka taliso degaankaasi.

Dadka degaanka ayaa laga soo xigtay inay arkeen ciidamo fara badan oo hub kala duwan wata oo ku sii jeeda Baardheere, waxayna ku hubeysan yihiin Taangiyo, Gawaarida gaashaaman iyo madaafiicda goobta. Waxay ciidamadani ka soo gudbeen xadka iyadoo ka gudbay degmada Luuq.

ciidamo

Baaradheere ayaa la sheegay inuu ka socdo qax balaaran oo dadkii deganaa ay bilaabeen inay barakacaan iyadoo maleeshiyo Alshabaab ahna ay ku sii qulqulayaan iyadoo sheegay inay difaacayaan Baardheere, waxayna noqon doontaa markii ugu horeysay oo Alshabaab difaacdo degaan ciidamado noocan oo kale ahi guluf ku soo qaadeen.

Itoobiya ayaa Koonfurta Soomaaliya qabsatay sanadkii 2006- markii ay Maxkamadaha islaamiga talada qabsadeen waxayna dagaal ay la galeen dhalisay in xoogagaasi islaamiga ahaa laga saaro inta badan Koonfurta Soomaaliya oo ay dib iska soo abaabuleen.

Ciidamada Itoobiya ayaa ka mida AMISOM balse lama oga tirada rasmiga aha ee Itoobiya ku leedahay ciidamada AMISOM, waxayna awood u leedahay inay  Soomaaliya soo celiso tiradii ay rabto oo milaterigeeda ah.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

[ad name=”HTML-6″]

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON