60 xildhibaan oo ka mida Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa galabta shaaciyay inay mooshin ka dhan ah madaxweynaha maamulkaasi diyaariyeen.
Xildhibaanada oo shir ku wabtay magaalada Jowhar ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble xil gudasho la’aan iyo iska hor keenka beelaha maamulka Hirshabeelle wada dhistay.
Xildhibaan C/raxmaan Cabdi Iidow oo kamida xildhibaannada mooshinka wada ayaa sheegay in baarlamaanka maamulkaasi aanu wax talo ah ku lahayn wasiirada la magacaabay ayna ka dalbanayaan madaxweynaha Hirshabelle inuu dib ula laabto wasiiradiisa.
Wuxuu ku eedeeyay Madaxweyne Cali Cosoble inuu albaabka ka xirtay dadkii la talin lahaa, kuna dhaqmay cadaalad darro iyo ku takri falay awoodeed.
DAAWO SAWIRRADA
Goobjooge.com