Monday, June 23, 2025

81 Qof oo maalin kaliya Cudurka Coronavirus laga helay Gudaha Soomaaliya

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa maanta shaacisay tiro cusub oo cudurka COVID-19 laga helay 24-kii saac ee lasoo dhaafay.

81 qof oo cusub ayaa laga helay cudurka, sida ay shaacisay Wasiirka caafimaadka xukuumadda Soomaaliya Fowsiya Abiikar, iyadoo goobaha kiisaska laga diiwaangeliyey ay kala yihin:

Benadir: 44
Jubaland: 24
Somaliland: 5
Puntland: 6
Hirshabelle: 2

Bukaannda cusub ee la shaaciyey ayaa 50 waxay yihiin rag halka 31-na ay yihiin haween, sida ay wasaaraddu sheegtay.

5 qof ayaa sidoo kale ka boqsootay cudurka, mana jiro bukaan u geeriyooday 24-kii saac ee lasoo dhaafay, sida ay sheegtay wasaaradda.

Tirada guud ee laga helay ayaa ah 1170, waxa bogsaday 126, dhimasho cusub lama soo sheegin, waxayna geeridu mareysaa 52 qof.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON