Thursday, December 12, 2019
More

    81 sano jir 20 sano Madaxweyne ahaa, Kursina lagu wado oo markii 5aad isu sharxay xilka [Sawirro]

    Xisbiga Xoreynta Dalka ee dalka Aljeeriya aya ku dhawaaqay maanta in madaxweynaha dalkaasi C/casiis Butafliqa uu mar shanaad u tartami doono doorashada Madaxweynaha dalka Aljeria ee dhici doonta bisha April.

    Xisbiga talada haya ee dalka Aljeeriya ayaa arrintan u dhawaaqay xaflad ka dhacday xarunta xisbiga ee magaalada Aljeris, iyadoo shaki weyn laga qabay in mar kale uu doorasho isu soo taago madaxweynaha 81 sano jirka ah ee xaaladiisa caafimaad ay liidato.

    Ad

    C/casiis Butafliiqa ayaa Aljeeriya kasoo talinayey ilaa sanadkii 1999-kii, wuxuuna dalkaasi ka saaray xaalad amni darro kadib kacdoonkii islaamiyiinta, laakiin waxaa la doortay 4 jeer, iyadoo sanadkii 2013 uu ku dhacay dhiig furan keenay inuu socon waayo, isagoo lagu wado Kursiga dadka naafada ah.

    Wixii ka dambeeyay 2013 madaxweynaha mar shanaad is sharxay laguma arkin goobaha fagaarayaasha ah, wuxuuna soo muuqdaa marar dhif ah, isagoo xaaladiisu tahay mid liidata, hadalkuna aanu karin, waxaana laga rabaa inu musharaxnimadiisa isagu ku dhawaaqo sida uu qoray sharciga dalkaasi, laakiin waxaa la filayaa inuu qoraalkiisa akhriyo afhayeen.

    Algeria
    Related image
    Related image
    Warar Xul ah

    NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

    131,665FansLike
    1,344FollowersFollow
    3,604FollowersFollow
    131,665FansLike
    1,344FollowersFollow
    3,604FollowersFollow

    WARARKA UGU SHIDAN

    error: Content is protected !!