Tuesday, June 24, 2025

92 sano jirka Caanka ah ee Mahatir Maxamed oo ku soo laabanaya Siyaasadda [Musharax loo magacaabay]

Raisul wasaarihii hore ee dalka Malaysia, Mahathir Mohamad oo ahaa ruugcaddaa hogaan iyo siyaasi weyn oo dalkaasi heer gaarsiiyay ayaa mar kale loo soo xulay in uu noqdo musharaxa xilka Rai’sul Wasaaraha dalkaasi.

Mahathir Mohamad oo sumcad weyn ku leh dalkaasi iyo dunida ayaa  iminka jira 92 sano jir ah, wuxuuna xilka raisul wasaaranimada ka tegay sanaddii 2013, isagoo xilkaasi hayay muddo ka badan 20 sano oo horumar ballaaran uu gaarsiiyay Malaysia.

Muddooyinkii dambe ayuu ku soo laabtay siyaasadda uu hore uga fariistay, wuxuuna ka hor yimid  Ra’iisal wasaaraha Najib Razak oo eedo badan iyo musuq lagu heysto, iyadoo ay jiraan eedo ku saabsan inuu lunsaday lacago balaayiin doolar ah.

Mr Mahathir ayaa loo xulay musharaxa  xisbiga isbahaysiga mucaaradka ee Malaysiga, taasoo loo arko inuu si fudud ugu guuleysan karo doorashada ka dhici doonta dalkaasi ee lagu wado in lagu dhawaaqo bisha August ee sanadkan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON