Sunday, June 22, 2025

Meydka Qof la dilay oo lagu arkay xaafad u dhow Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Meydka qof saaka aroortii lagu arkay Xaaladda Salaama ee degmada Howlwadaag, inta u dhaxeysa isgoysada Baar Ubax iyo Black Sea, una dhow suuqa Bakaaraha.

Qofka meydka ah oo u muuqday in la dilay ayaa ahaa qof rag, mana jirin cid markiiba aqoonsatay oo ka mida dadka degaanka, waxaana meydka goobta ka qaaday Ciidamda Booliska saldhiga degmada Howlwadaag.

Dadkii arkay meydka ahaa ku warramay in dilkiisa loo adeegsaday Baangado, kadibna la iska soo fogeeyay meydkiisa. Meydkiisa ayaala dhigay goob u dhow halkii uu qaraxa is-miidaaminta ahaa ka dhacay Khamiistii oo sarkaal ka tirsan NISA lagu dila.y

Ma jirto wax faahfaahin ah oo laga helay qofka meydka ah, cidda dilka geystay iyo falkaasi, iyadoo aysan wax War kasoo saarin ciidamada Amniga.

WARARKII UGU DANBEEYAY

Wararkii ugu danbeeyay