Wednesday, June 25, 2025

Sacuudiga oo ku dhawaaqay dhalashada Bisha Dulxaj ee Carafo iyo maalmaha Ciidul Adxaa

Boqortooyad Sacuudi Carabiya ayaa caawa ku dhawaaqday inay dhalatay bisha Dul-xajj ama Carafo oo kamid ah bilaha ugu kheyrka badan.

War kasoo baxay Maxkamadda Sare ee Boqortooyadda Sacuudiga ayaa lagu xaqiijiyey in berri oo Arbaco ah ay tahay maalinta 1-aad ee bisha Carafo  Dul-Xajj 1446 Hijriyada.

Xujayda sanadkaan gudaneysa waajibka xajka ayaa maalinta Khamiista ah ee toddobaadka dambe oo ku beegan 5-ta bisha June istaagi doonta Banka Carafo ee Sagaalaadka, halka, Maalinta xigta ee Jimcaha ah oo ku beegan 6-ta bisha June ay noqon doonto maalinta 1-aad ee Ciiddul Adxaa ama Carafo.

Sanadkaan in ka badan 11,000 (Kow iyo toban kun) oo xujey Soomaaliyeed ah ayaa nasiib u yeeshay inay soo xajiyaan, waxaana guud ahaan xajka gudanaya 2 Milyan oo muslimiin ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON