Lammaane u dhashay dalka India oo da’doodu ka weyn tahay tahay 70 sano jir ayaa dhalay canugii ugu horeeyay oo wiil ah kadib 47 sanadood oo ay is qabeen, isla markaana aanay waxba isu dhalin.
Arrintan ayaa ku dhacday qoyska haweeneyda lagu magacaabo Daljinder Kaur oo 72 sano jir ah, iyo ninkeeda 79-sano jirka ah ee Mohinder Singh Gill oo degan magaalada Amritsar ee dalka India kadib markii wiil caafimaad qaba u dhashay 19-kii April 2016.
Qoyskan ayay u suuragelin inay wax caruur ah isu dhalaan muddadii 50-ka sano ahayd ee ay wada joogeen, waxaana qaabka wiilka ugu dhashay loo maray farsamo caafimaad oo labada qof shahwadooda bannaanka lagu bacrimiyo kadibna ilmo galeenka hooyada lagu celiyo IVF, waxayna tijaabadani socotay ilaa sanadkii 2013.
Hooyada 70 sano jirka ku dhashay caruurta ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay riyada u rumowday, waxaana arrintan si weyn looga hadal hayaa dalka India iyo dunida oo dhan.
Qaabka caruurta lagu bacrimiyo bannaanka kadibna lagu celiyo riximka hooyada waxaa ku dhasha caruura fara badan kadib markii sida caadiga ah ay u dhali waayaan lamaanayaasha, waxaana lagu qiyaasay caruurta noocan ku dhalata inay gaareyso in ka badan 5 Milyan .
DAAWO SAWIRADDA


