Wednesday, July 16, 2025

Aabe Soomaaliyeed ah oo si naxdin leh loogu hor dilay xaasikiisa iyo caruurtiisa Ohio, Mareykanka

Marxuum Shuceyb Abubakar
Marxuum Shuceyb Abubakar

Aabo Soomaaliyeed oo ku nool dalka Mareykanka, ayaa lagu hor dilay Caruurtiisa iyo Xaaskiisa, xili ay kasoo baxeen Baar ku taal magaalada Columbus, Ohio ee dalka Mareykanka. Aabahaan oo lagu magacaabo Shuceyb Abuubakar, ayaa waxaa la sheegay inuu kusoo dhawaaday nin ku hubeysan qori fudud wata, kadibna  uu rasaas aan loo meel dayin ooda uga qaaday qoyska oo wada socday.

Allaha u Naxariistee Shuceyb Abuubakar oo da’diisu dhameyd 40 sano jir, oo dhaawac ahaan looga qaaday goobta ayaa isbitaalka Ohio Health Riverside Methodist markii danbe ku geeriyooday. Dilka naxdinta leh ayaa dhacay xili aroor  subax hore ah, waxaana uu dilka ka dhacay meel Baar oo mashquul badan isla markaasina ay ku yaalaan goobo ganacsi oo waaweyn.

Falkan oo dhacay Jimcihii  waxaa si weyn uga naxay Jaaliyadda Soomaalida ee dalka Mareykanka guud ahaan. Sarkaal u hadlay Booliska Ohio Mr. Holzhauser, ayaa sheegay in ninka dilka geystay uusan aqoon u lahayn Shuceyb Abuubakar, welina aan la garaneyn sababta uu dilka u geystay.

Holzhauser, ayaa sidoo kale sheegay in xaaska aabaha Soomaaliyeed iyo caruurtiisa ay daawanayeen marka aabahood la dilayay kan ugu weyn da’diisa lagu qiyaasay 9 ilaa 10 sano jir. Ninka dilka u geystay Shuceyb ayaa la tilmaamay inuu ahaa nin Madoow oo aad u dheer, islamarkaasina xirnaa dhar gaduudan.

Dhowaanahan ayaa dilal kala duwan oo ka dhacay Yurub iyo Waqooyiga America waxaa ku lug yeeshay dad Soomaaliyeed oo markoodii hore ka dhacay dagaalada Soomaaliya.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON