Laba dhacdo ayaa laag soo weriyey degaano ka tirsan Gobolka Sh/Dhexe saacadihii lasoo dhaafay, iyadoo ay siyaabo kala duwan uu dhinteen.
Wararka ayaa sheegaya in dhacdo naxdin leh ay ka dhacday degaanka Xawaadley ee degmada Balcad, gobolka Sh/ Dhexe, kadib markii nin la sheegay inuu ka tirsanaa kooxda takfiirka loo yaqaan uu gowracay wiilkiisa oo 8 sano jir ahaa.
Dilkan ayuu aabahu u adeegsaday Toorey, kadib markii uu si weyn uga carooday inuu wiilka yar cunay raashin Alle-bari ah oo degaankaasi ka jiray, waxayna dadka degaanka sheegeen inuu ninkaasi baxsaday.
Dhinaca degmada Mahadaay ee isla Gobolka ayaa laga soo sheegay inuu isku daldalay tuulo u dhow degmada Maclin lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdi Aadan wax ka dhigi jiray iskuulka hoose dhexe ee deegaanka Buurane, waxaana da’diisa lagu sheegay 50 sano jir.