Thursday, July 17, 2025

DAAWO: Aadan Barre Ducaale: “Ciidamada Kenya waa inay aargoostaan 48 saac gudahood..”

Hogaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa si caro leh uga hadlay weerarka Alshabaab ku qaadeen shalay xerada ciidamada Kenya ee AMISOM ka tirsan degaanka Ceelcade ee Gobolka Gedo.

Isagoo ka hadlayay garoon ay isugu soo baxeen dadweyne iyo mas’uuliyiin ka tirsan Kenya ayuu ku baaqay Aadan Barre inay aargudasho ku dhaqaaqaan ciidamada Kenya. “Mudane Madaxweyne, waa inaan aargudanaa, ciidamadeena waa inay aargutaan 48-ka saac ee soo socda, Soomaaliya kama baxeyno ilaa inta aan  ka dhameystireyno howshii aan halkaas u tagnay…” ayuu yiri Mudanaha oo ay caro weyn ka muuqatay.

Lama yaqaan qaabka uu aargoosiga Kenya noqon doono, waxaase laga cabsi qabaa in diyaaradaha dagaalka ay duqeyn balaaran ka geystaan gobolka Gedo.

DHINACA SARE KA DAAWO

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON