Friday, July 11, 2025

Aadan Madoobe oo Go’aan ka gaaray Xildhibaannada Gedo iyo Kooramkii oo laga reebay

Waxaa furay kulankii Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka, iyadoo uu guddoominayo Guddoomiyaha cusub Sheekh Aadan Maxamed Nuur.

Kulanka ayaa looga hadlayaa magacaabista Guddiga Qabanqaabada Doorashada Madaxweynaha, wuxuuna guddoomiye Aadan Madoobe uu sheegay in kadib dib u dhac ku yimid Doorasho socotay muddo laba sano in degdeg loo dhammeystiro doorashada oo ay ka harsan tahay Doorashada Madaxweynaha.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa shaaciyey in kooramka kulanka uu ku furmay 157 oo aanay ku jirin xildhibaannada khilaafka ka jiro ee Gobolka Gedo, isagoo sheegay inay xal ka gaari doonaan wixii maanta ka danbeeya, ayna golaha fariisan doonaan oo kaliya xildhibannada aanu khilaafka ka taagneyn.

Wuxuu Caddeeyay inay Golaha fariisan doonaan oo kaliya xildhibaannada aanu khilaafka ku Jirin, kooramkana aan lagu dari doonin xildhibananada la isku khilaafsan yahay, inta go’aanka kaam dambeysta ah laga gaarayo arrintooda.

Kulanka maanta ayuu Guddoomiye Aadan Madoobe shaaciyey inaan Golaha laga saareynin xildhibaannada wada fadhiya ee is khilaafsan, kana yimid Gobolka Gedo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON