Monday, July 14, 2025

Aadan Saransoor: “Shariif Xasan wuxuu diyaarsaday Liiska Gudiga Doorashada Madaxweynaha K/Galbeed..”

Aadan Maxamed Nuur Saransoor oo ka mida musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha maamulka K/Galbeed ee Soomaaliya ayaa shaaciyey in madaxweynaha maamulkaasi oo ka mida musharixiinta Shariif Xasan Sheekh Aadan inuu diyaarsaday Guddi doorasho oo uu isagu qoray.

Aadan Saransoor oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhaba ayaa sheegay in Shariif Xasan liiska Guddiga doorashada ee uu isagu qortay uu doonayo inuu ku dhawaaqo Guddoomiyaha Baarlamaanka K/Galbneed, taasoo uu sheegay inay tahay arrin sharci darro ah oo aan aqbali karin.

Wuxuu kaloo intaasi ku daray inaan doorashada madaxweynaha Maamulka  K/Galbeed lagu qaban karin xarunta madaxtooyada oo Baarlamaanku dhex degan yahay, wuxuuna ka digay in arrintaasi aysan suuragal ahayn doorasho xalaal ah inay ka dhacdo.

Ololaha doorashada madaxweynaha Maamulka K/Galbeed ayaa xowli ku socda iyadoo loo qorsheeyay inay doorashadu dhacdo 17-ka Novemnber 2018, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaana ah musharaxa ugu cadcad.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON