Wednesday, June 25, 2025

Aaska xildhibaanadii laga dilay Hirshabeelle oo ka dhacaya Magaalada Jowhar & Madax ka qeybgaleysa

Waxaa magaalada Jowhar ka socda qabanqaabada aaska Xildhibaannadii shalay lagu dilay weerarkii ay Alshabaab ku qaaday kolonyo u socotay magaalada Muqdisho oo ka timid magaalada Jowhar ee maamulka Hirshabeelle.

Wararka ayaa sheegaya in Aaska xildhibaannadan ay ka qeybgeli doonaan madaxweynaha  Hirshabeelle oo ka tegaya Baydhaba, Guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabelle oo Muqdisho ka aadi doona Jowhar iyo mas’uuliyiin kale oo halkaas u tegay munaasabadda aaska.

Wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar, gaar ahaan inta u dhaxeysa Balcad iyo Jowhar ayaa waxaa si joogto ah uga howlgala kooxda Alshabaab oo weerarro badan ka geystay, waxayna marar badan wadaddaasi qarka u saarantay inay xiranto.

Xildhibaannada iyo mas’uuliyiinta Hirshabeelle ayaa cabsi ka muujiyey isticmaalka jidka isku xira Balcad iyo Jowhar.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON