Ciidamada milateriga Soomaaliya ayaa soo bandhigay koox dabley ay oo isbaaro lagu soo qabtay Gobolka Shabeelada Hoose.
Abaanduulaha xoogga dalka Gen. C/llaahi Cali Caanood ayaa saxaaafadda usoo bandhigay shan dabley ah ku hubeysnaa qoryaha AK-47, isla markaana watay Gaari ay u adeegsan jireen dhaca iyo baad ay ka qaadaan dadka mara wadadda degaanka Lambar 50.
Abaanduule Caanood ayaa sheegay in burcad kasta oo hubeysan ama magac ciidanka wadata aan loo ogolaan doonin inay dib dambe u dhibaateeyaan shacabka oo tallaabo adag laga qaadayo.
SAWIRRO