Tuesday, July 8, 2025

Abaanduullaha cusub ee Milateriga Jen. Caanood oo shaaciyay in la xiray 11 askari oo…

Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed Gen. C/laahi Cali Caanood ayaa sheegay in 11 askari oo lagu qabtay isbaaro ay dhigteen xabsi loo taxaabay.

Jen. Caanood oo dhowaan xilka loo magacaabay ayaa sheegay in kadib amarkii uu bixiyay madaxweyne Farmaajo markii uu tegay Afgooye oo ahaa in ciddii isbaaro dhigata tallaabo laga qaado kadib ay qabteen askar dhowr ah oo isbaaro u taallay.

“Kadib amarkii uu bixiyey Madaxweynaha Mudane Maxame C/laahi Farmaajo ee ahaa in la qaado isbaarooyinka, waxaan xirnay 11 askari oo la qabtay iyagoo isbaaro u taallo. Waxaan cadaynayaa askariga Isbaarada dhigta iyo sarkaalka xukuma in isku mid ay yihiin…” ayuu yiri Abaanduulaha ciidamada xoogga oo la hadlay saxaafadda.

“Waxaa qaadeynaa howlgallo ballaaran oo lagu furayo wadooyinka, gaar ahaan kuwa yaala deegaanada isku xira Shabellaha Hoose iyo gobolka Bay, sidoo kale waxaa howlgal isna wadooyinka lagu furayo laga sameynayaa deegaanada Jubbooyinka.” ayuu yiri Jeneraal Caanood.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON