Abwaan Abwaan Cismaan Cabdullaahi Guure oo ah agaasimaha iyo milkiilaha Radio Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa soo bandhigay muuqalka taliyaha saldhigga Booliska Afar Irdood Col. C/qaadir Axmed Shire (Mooto) oo sheegay inay jirdileen ilaalada taliyaha milateriga Soomaaliya Gen. Maxamed Aaden Axmed.
Taliyaha jirdilka lagu eedeeyay ayaan weli ka hadlin dhacdadan oo fadeexad weyn ku ah ciidamada iyo talisyada Booliska iyo Milateriga.
Abwaanka qoraalka hoose iyo sawirada soo dhigay bartiisa FC.
Yaa loo dacwoodaa dowlad kale ma joogtee?
Maanta Saldhiga Afar-irdood ee Degmada Xamar-weyne ayaan ku booqaday Taliyaha saldhigaas Col C/Qaadir Axmed shire (Matooto) oo Xalay ay jirdileen sida uu iisheegay ilaalada Taliyaha Milateriga.
Waxaan la yaabay taliye saldhig oo shaqadiisa wata oo labisan dharkii iyo derejadii ciidanka hadii dadweynaha hortooda lagu garaacay waa yaabe shacabkii xageey joogaan marasta yaa u maqan?
Sow xaaladu maaha
yaa loo dacwoodaa
yaase laga dacwoodaa
dowlad kale ma joogtee
mise waa isaga tumo hana u turin intuu toosayo sharcigu?