Jahwareer baahsan ayaa maalintii labaad uu ka jiraa ganacsiga magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, waxaana gebi ahaanba maalintii labaad xiran goobaha ganacsiga, inkastoo maamulka gobolka uu xoog u adeegsaday in la furo goobaha ganacsi.
Arrintaan ayaa ka dhalatay sicir barar ka dhashay markii la diidday in shilinka Soomaaliga wax lagu iibsan waayay, dadkuna doorbideen in ay wax ku iibsadaan adeega EVC ee ay bixiso shirkadda Hormuud kaasoo inta badan wax lagu iibsado Somalia.
Dhanka kale, amar kasoo baxay wasiirka maaliyadda Hirshabeelle ayaa lagu joojiyay adeega EVC ee shirkadda Hormuud, si dadka wax ugu iibsadaan lacagta shillinka Soomaaliga.
Wasiirka ayaa sheegay in sicirbararka uu ka dhashay adeegaan oo dadka xitaa koobka shaaha ay ku iibsanayaan EVC, sidaasi darteedna wuxuu faray ganacsatada in goobahooda ganacsi furaan, waxna ku iibsadaan lacagta Soomaaliya, ciddii diidana tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono.
Deegcanada ay Al-Shabaab ka taliso ee gobolka Hiiraan iyo guud ahaan Soomaaliya ayaa waxaa laga mamnuucay lacag Shilin Soomaali ah oo ay sheegeen in ay tahay been abuur lagu soo sameeyay deegcanada Puntland, taasoo si xowli ah u gashay Baladweyne.