Cilad soo wajahday mareegta raadinta Internet-ka ugu weyn dunida Google ayaa sababay inay hawada ka baxaan adeegyadii raacsanaa ee Gmail, Youtube, Google Maps iyo Google Drive.
Clladan ayaa bilaabtay 12:30 GMT, waxayna boqolaal milyan oo ruux dunida oo dhan awoodi waayeen inay galaan adeegyada uu bixiso shirkadda Google. Waxaa gebi ahaan hawada ka baxay adeeggii ugu weyn ee Mareykanka laga leeyahay oo dadka ugu badan ku xiran yihiin.
Waxaa baraha bulshada qabsaday halkudhegiyo ay ka mid yihiin: #googledown iyo YouTubeDOWN. Google ayaa caddeysay in ciladda hawada ka saartay adeegyadeedii ay saameyn ku yeelatay inta badan dadka isticmaala.
Waxay intaas ku dartay in dadka qaarkii loo soo celiyay, adeegga ayna socoto shaqo dib loogu soo celinayo guud ahaan. Dad yar ayaa sheegay inaysan saamayn ku yeelan cilladan.
