Hoggaamiyihii Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya Aden Barre Ducaale ayaa dib loogu doortay kursigii Baarlamaanka Kenya ee magaalada Gaarisa.
Aden Barre ayaa si weyn uga adkaaday Faarax Macalin oo la tartamayay kana soo jeeday mucaaradka Kenya, isagoo codad badan lagu legday Faarax Macalin oo ku dhow labalaab, sida ay shaaciyeen guddiga Doorashada dalka Kenya.
Aadan Barre ayaa helay codad dhan 22,587, halka Musharaxii kale ee Faarax Macalin uu helay 14,897 Cod. Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Faarax Macalin.
Aadan Barre oo kadib marii shahaadada guusha la guddoonsiiyay hadalayay ayaa u mahad celiyay shacabka Gaarisa ee ku doortay waxqabadkiisa afartii sano ee la soo dhaafay.
SAWIRRO
