Thursday, July 10, 2025

Afduub fashilmay oo ka dhacay iyo rasaas la isku weydaarsaday Cadaado

Wararka Caawa laga helayo degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Baar ku yaala halkaasi uu ka dhacay fal lagu doonayay in lagu afduubto laba qof oo baarkaasi ku sugnaa, Sida ay ku waramayaan ilo ku sugan Cadaado oo Goobjooge.com u waramay. Qof kamida ayaa la sheegay in la qafaashay iyadoo mid kalena uu ka baxsaday dableydaasi. Ninkii la afduubtay ayaa la sheegay in mar danbe laga sii daayay afduubayaashii markii dabley kale soo dhex gashay.

Cadaado-Ysuuf

Koox hubeysan oo aan la aqoonsan ayaa la sheegay inay falkaasi fuliyeen, waxaaan goobta ka dhacay rasaas, taasoo keentay in lagu kala cararo. Ma cadda sababta falkan keentay iyo cidda ka danbeysay, waana falkii  ugu horeeyay ee noociisa ah oo ka dhaca degmada Cadaado oo ay ku sugan yihiin wufuud iyo ciidamo fara badan iyadoo uu ka furmi doono shirka maamul u sameynta goboladda dhexe. Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa sheegay in dadkii la isku dayay in la afduubto ay badbaadiyeen, kooxdii afduubka isku daydana ay baxsatay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in arrintan ay tahay muran u dhaxeeya jufo ka mida kuwa ka qeyb galaya shirka maamul u sameynta goboladda Dhexe.

Gooobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

[ad name=”HTML-6″]

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON