Muran ayaa ka taagan cidda ka hadli karta arrimaha ammaanka iyo qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho
kadib markii ay isku dhaceen labada afhayeen ee Wasaaradda Amniga iyo Gobolka Banaadir oo mid kasta uu sheeganayo inuu xaq u leeyahay inuu shacabka uga warbixiyo dhacdooyin maalmeedka amaandarro ee caasimadda.
Dowladda Federaalka oo hay’ad kasta ay sameysatay afhayeeno nacamleeyayaal ah oo kaliya xayeysiiya mas’uuliyiin xilkooda gudan waayay ayay iyagii haddana isku jeesteen, waxayna tani ka mid tahay xaaladaha ay soo kordhisay dowladda waqtigeedu dhammaanayo ee uu madaxweynaha ka ahaa Xasan Sheekh Maxamuud.
Labada afhayeen ee Wasaaarada Amniga Gudaha iyo Maamulka Gobolka Banaadir C/kaamil Macalin Shukri iyo C/fataax Cumar Xalane sida ay u kala horeeyaan ayaa isku fara saaray warbaahinta, wuxuuna mid kasta ku dooday in keligii uu xaq u leeyahay la hadalka dadka iyo ka hadalka amni darrada iyo qaraxyada ka dhaca Gobolka Banaadir.
Wuxuu mid waliba doonayaa inuu isagu keligii ka hadlo dadka qaraxyada lagu dilo iyo dhibaatada ka taagan amni darrada Muqdisho tiiyoo aanay jirin cid u damqaneysa dadka masaakiinta ah ee sahayda u ah weerarada dhacaya.
DHAGEYSO CODADKA LABADA AFHAYEEN EE IS HEYSTA
Goobjooge.com