Afhayeenka guud ee Alshabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali dheere) ayaa farrii cod u dira dadka Soomaalida ee ku nool Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya oo uu sheegay inay gumeysiga Kenya ku hoos jiraan.
Farriinta oo soconeyda muddo 20 daqiiqo ah ayuu Afhayeenka Alshabaab ku sheegay inay dadka Soomaalida ah ee ku nool Waqooyi Bari ee Kenya ay yihiin wallaalo muslimin ah oo qaraabonimo ay ka dhaxeyso, wuxuuna sheegay in dowladda Kenya ay ku heyso cadaadis dhinac waliba leh sida xarigga dhallinyaradooda, boobka iyo gubista suuqyadooda iyo ku-tumashada xurumaadkooda guud.
Afhayeenka Alshabaab wuxuu sheegay in Kenya aysan ku ekaan W/Bari ee ay ka soo tallaabeen xuud beenaadka, wuxuuna xusay weerarkii Westgate, kii Jaamacadda Gaarisa, Mpikatoni iyo weerarradii kale ee Alshabaab inay jawaab u ahayeen xasuuqyadii Kenya.
“Iyadoo laga duulaayo walaaltinimada ayey walaalihiin Shabaab Al-Mujaahidiin idiin soo gurmadeen si ay dhulkiina idinku soo celiyaan, si aad u xorowdaan, aayihiinana ugu madax -bannaanaataan. Walaalaha ku nool W/Bari waxaan leeyahay nagala kulmi meysaan wax aan ahayn qadarin” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere si toos ah ula hadlay dadka W/Bari Kenya.
Wuxuu dadka W/Bari uga digay in ay Kenyaatiga garab u noqdaan, kuna sirmaan Siyaasiyiinta Soomaalida ee kasoo jeeda W/Bari Kenya, isagoo ku tilmaamay inay yihiin fuleyaal, fulinaya danaha gumeystaha, isagoo uga digay inay la dagaalamaan maleeshiyada Alshabaab.
Wuxuu ugu yeeray Kenyaanka ku sugan Gobolka W/Bari Kenya inay isaga baxaan gobolkaasi, isagoo sheegay inay meel walba ku beegsan doonaan, wuxuuna caddeeyay in Gaal kasta oo ku sugan W/Bari inay beegsanayaan wax kastoo uu yahay: Shaqaale, Macalin, xamaali iyo cid kasta uu yahay bartilmaameed.
Farriinta Afhayeenka Alshabaab ayaa inteeda badan ku socotay Soomaalida ku nool Waqooyi Bari Kenya oo uu taageero ka raadinayey.