Thursday, June 26, 2025

Afhayeenka Alshabaab: “Waxaad arki doonaan meydad askar Ingiriis ah oo madaxa laga jaray…”

Afhayeenka Xarakada Al-shabab ee Soomaaliya Sheekh Cali Maxamuud Raage ayaa wacad ku maray in ay rasaas iyo holac kusoo dhoweyn doonaan ciidamada dalka Ingiriiska ka socda ee loo soo dirayo dalka Soomaaliya marka ay u yimaadaan in ay taageeraan ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaaliya sida uu dhowaan ku dhawaaqay Ra’iisal wasaaraha Ingiriiska David Cameron.

sh-cali-dheere

Sheekh Cali Maxamuud Raage wuxuu intaas ku  daray sheegay inay rajeenayaan in la arki doono jir iyo askar cadaan ah oo madaxyada laga jaray, wuxuuna ugu bishaareeyay inay ka soo horeeyaan halaag.

Alshabaab ayaa dowladda Ingiriiska ku sheegtay inay gumeysiga ugu weyn dunida oo dalalka islaamka caddowga ku ah, waxayna ku hanjabtay inay beegsan doonaan ciidamada ay Soomaaliya u soo dirayaan.

Ra’iisal wasaaraha Ingiriiska ayaa ciidamada uu shaaciyay inay u soo dirayaan Soomaaliya waxay ka kooban yihiin oo qura 70 askari, iyagoo aan dagaal geli doonaan ee kaliya howshoodu tahay inay farsmo ahaan taakuleeyaan ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada Federaalka.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML”]

 

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON