Sunday, July 13, 2025

Afhayeenka Madaxtooyada: “Muungaab xilka waa laga qaaday, waxaana loo magacaabay…”

Daa'uud Aweys Jaamac
Daa’uud Aweys Jaamac

Sida ay hore u baahisay mareegtan GOOBJOOGE.COM  waxaa maanta xilka laga qaaday Guddoomiyihii gobolka Banaadir ahaana duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, waxaana arrintaasi hadda xaqiijiyay Afhayeenka madaxweynaha Soomaaliya Daa’uud Aweys oo saxaafadda u sheegay in xilka laga qaaday Muungaab oo hadda ku sugan magaalada Nairobi.

Sida uu sheegay afhayeenka, waxaa madaxweyne Xaan Sheekh uu Muungaab ku beddelay nin lagu magacaabo Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Madaxtooyada Soomaaliya ma sheegin sababta sababta xilka looga qaaday guddoomiyhii Gobolka Banaadir, waxaase hore u jiray in muddo dheer madaxweynuhu damacsanaa xil ka qaadistiisa iyadoo ay soo dedejisay heshiis uu dhowaan la galay Muungaab kooxda Aala sheekh iyo xisbiga Daljir

HESHIISKAAS OO QARSOODI AHAA WAXAA SHAACISAY GOOBJOOGE.COM KA AKHRI HALKAN

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON