Sunday, June 29, 2025

Agaasimaha Xafiiska UNSOM ee Soomaaliya oo beeniyay in shaqada laga eryay

Kadib markii ay soo baxeen in shaqada laga eryay Amadu Kamara, oo ahaa Agaasimaha Xafiiska UNSOM iyo weliba UNSOA, ee Soomaaliya ayaa waxaa uu beeniyay in lagu sameeyay shaqo joojin.

Amadu,oo ku sugan Dalka Kenya ayaa beeniyay in shaqada laga joojiyay, waxaana uu intaa ku daray in uu hadda u socdo Kampala halkaas oo uu u aadayo shaqo ay u dirtay Qaramada Midoobey todobaad gudahiina dib ugu soo laabanayo Soomaaliya.

Waxaa uu Taleefanka Nairobi ugu warramay Wargeyska Politico,waxaana uu beeniyay in uu sameeyay qiyaano shaqada looga eryay,waxaa uu ku adkeysatay in ay been tahay waxa laga sheegayo,walina uu ka tirsan yahay shaqaalaha Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.

Kamara, oo u dhashay dalka  Sierra Leonean ayaa agaasime ka ah  UNSOA ee Soomaaliya oo taageera Ciidanka AMISOM ee jooga Soomaaliya,waxaana uu Qaramada Midoobey la shaqeynayay tan iyo 1993kii,isaga oo 2012kii laga soo beddelay Koofurta Suudaan ayaa loo dhiibay shaqada Soomaaliya.

War uu baahiyay web fadhigiisu yahay Kenya oo muddooyinkan danbe faafiya warar been abuur ah ayaa qoray warkan ay qaateen saxaafadda Soomaalida, waxaana alleastafrica ay noqotay bar ay ku kadsoomaan saxaafadda Soomaalida.

Kamara,waxaa uu ka soo  shaqeeyay howgallo kala duwan oo ay leedahay Qaramada Midoobey ,waxaana uu sidoo kale 2014/2015 ka mid ahaa dadkii aaday Dalkiisa  Galbeedka Afrika ee Sierra Leone.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON