Agaasimaha guud ee xilka laga fariisiyay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya C/Risaaq Cali Yuusuf (Bahlaawi) ayaa markii ugu horeysay ka hadlay kiiska musuqa ah ee lagu soo oogay.
Wuxuu sheegay in kadib xil wareejintii wasiirkii hore ee Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo kharashaad Deyn ah ku wareejiyay wasiirka cusub isaga lagu soo eedeeyay musuqmaasuq.
Mudane Bahlaawi ayaa caddeeyay inuu xilka ku joogo wareegto madaxweyne, isla markaana looga qaadi karo si sharci ah oo kaliya, isagoo sheegay inuusan sharciga ka weyneyn.
Wuxuu sheegay Agaasime Bahlaawi inaan eedeyn lagu xiri karin oo dowladu sharci ku shaqeyso, isagoo ku dooday in eeda loo heysto aanay waxba ka jirin.
Kiiska Agaasime Bahlaawi oo uu wehliyo agaasimaha maamulka lacagta ee Wasaaradaasi ayaa xaalado kala duwan soo maray, waxaana maxkamadda Gobolka Banaadir ay soo saartay barwo lagu soo qabanayo labadaas mas’uul oo xeer ilaalinta ay soo eedeysay.
Goobjooge.com